Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa 18/5/2023, waxa uu xarunta AGA ee magaalada Muqdisho uu ku soo bandhigay cilmibaaris ku saabsan “Midaynta Hab-dhigaalka Alifba’da Af Soomaaliga”

Ugu horeyntii waxaa madashaasi ka hadlay La-taliyaha sare ee Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Bare sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka hadlay taariikhda, waxqabadka iyo dadaalka Akademiyada ee ku saabsan afka iyo hal-abuurkiisa, isaga oo tilmaamay kulan cilmiyeedka Alifba’da Af Soomaaliga inuu ka mid yahay hawl maalmeedka iyo shaqooyinka ay qabato Akademiye Goboleedka.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Dr. Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo isna ka hadlay furitaankii kulan cilmiyeedkaasi ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo cilmibaaristaan cusub ee ku saabsan Alifba’da Af Soomaaliga, isaga  oo halkaasi uga mahadnaqay Bare sare Cabdalla Mansuur oo soo diyaariyay cilmibaaristaasi.

Agaasime Ismaaciil Yuusuf oo ka hadlayay dadaalka Akademiye Goboleedka ayaa iftiimiyay inay ka wasaarad ahaan taageerayaan shaqooyinka Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga ee ku aadan hiilka, daryeelka, erey bixinta, qaamuusaynta iyo cilmibaarista af Soomaaliga, waxaana uu caddeeyay inay ka go’an tahay wasaaradda waxbarashada sidii ay u wada shaqeyn ula yeelan laheyd AGA.

Intaasi kaddib, waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiye Cabdalla Mansuur oo ahaa soo diyaariyihii iyo soo jeediyihii cilmibaaristaasi, waxaana uu halkaasi si faahfaahsan ugu soo bandhiggay cilmibaarista uu soo sameeyay, isaga oo si la jecleystay u soo gudbiyay cilmibaaristaasi qiimaha badan laheyd.

Qaar ka mid ah aqoonyahannadii, hal-abuurayaashii, ardaydii jaamacadaha iyo dhallinyaradii naadiyada akhriska iyo qoraalka ee ka soo qeybgalay bandhigga cilmibaaristaasi ayaa sheegay inay wax badan ka korosadeen cilmibaaristaasi, iyaga oo dhanka kalana halkaasi su’aallo ku weydiiyay Bare sare Cabdalla Mansuur oo isna uga jawaabay.

 Gabagabadii, waxaa halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda horumarinta Manaahijta ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Xasan Mukhtaar, agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Aadan Cabdirisaaq Cawaale, Admiral Gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) iyo Xildhibaan Cabdullaahi Xasan Rooble oo dhammaantood qiray cilmibaaristaasi inay aheyd mid waxtar badan u leh bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo codsadey in la joogteeyo cilmibaarista noocaan oo kale ah.