Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa habeenkii xalay oo ku beegneyd 7/8/2021, waxaa uu xarunta PDRC ee magaalada Garoowe uu kaga qeyb-galay bandhig aad u ballaaran oo loogu tala-galay daahfurka buug laga qorey taariikh nololeedkii abwaan Cali Sugulle Dun-carbeed.
Munaasabaddii bandhigaasi oo si mug leh looga soo qeyb-galay ayaa hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Guddoomiyaha AGA Dr, Maxamed Daahir waxaa uu si xog-ogaalnimo ay ku dheehan tahay uu bulshada Soomaaliyeed u barey “kumaa ahaa abwaan Cali Sugulle Dun-carbeed”.
“Soomaalinimo, hal-abuurnimo iyo waddaninimo waxaa inna barey suugaayahannada, waxaase fashiliyay siyaasiyiinta, maantana hal-abuurnimadii, ilbaxnimadii iyo waddaniyaddiiba waxay magan u tahay kuwii burburiyay ee siyaasiyiinta ahaa, kuwii naftooda u hurey ee suuganyahannada ahna silic ayay u dhinteen” ayuu yiri Guddoomiyaha AGA.
Dr. Afrax ayaa iftiimiyay in abwaan Cali Sugulle uu ummadda uga tagay suugaan aan duugoobin, waxaana uu caddeeyay in uu abwaanku ka mid ahaa hal-abuurrada loogu jecel yahay gayiga Soomaaliyeed, isaga oo xusay isla markaana soo qaatey qaar ka mid ahaa suugaantii hodonka aheyd ee uu tiriyay Allaha u naxariistee abwaan Cali Sugulle.
Buugga laga qorey abwaanka ayaa loogu wanqalay “Hal Tisqaaday” waxaana qorey Allaha u naxariistee Maxamed Baashe Xaaji Xasan.















