Guddoomiyaha Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga “AGA”, Dr Maxamed Daahir Afrax  ayaa Maalintii Isniinta oo  ku beegneyd 1/10/2018  waxaa uu shir muhiim la  qaatay goosan-howleedka Akadeemiyadaas ee ka hawl-gala Xarunta Dhexe ee magaalada Muqdisho.

Dr. Afrax ayaa  xubnaha Aga ee magaalada Muqdisho uga warbixiyay socdaalkii iyo howlihii uu u tagay dalalka Ingiriiska iyo Jabuuti,  waxaana uu goosanka Aga ee G/Banaadir uu u soo jeediyay inay wax kasta ka hormariyaan hiilka afka hooyo iyo horumarintiisa, maadaama uu afku yahay aqoonsiga ay leedahay ummadda  Soomaaliyeed.

Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus, Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad),  C/llaahi Sheikh Cabdi (Gacanka), Cabdi-naasir Yuusuf Macalin,  Cali Cigaal,  Axmed Maxamed Dhicisow iyo Caaqil Axmed Faarax oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa  ka xog-warramay dhankooda howlihii u qabsoomay  intii uu Guddoomiyaha ka maqnaa wadanka.

Shirkaasi oo ku soo gaba-gaboobay jawi aad u wanaagsan ayaa yimid hal  maalin kadib markii uu Guddoomiyaha Akadeemiye-Gobeedka ‘AGA’, Dr Maxamed Daahir Afrax uu ka soo laabtay  safar uu ku tagay dalalka Jabbuuti iyo Ingiriiska.