Kulan gaar ah oo looga wadahadlayay sidii ay Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga iyo agaasinka waxbarashada G/Banaadir ay isaga kaashan lahaayeen xoojinta afka iyo horumarinta waxbarashada ayaa 16/2/2023, waxaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Akademiyada AGA.

Guddoomiyaha KMG ah ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo agaasimaha cusub ee agaasinka waxbarashada G/Banaadir, waxaana uu iftiimiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay inuu muwaadin walba xil iska saaro ilaalinta afka Soomaaliga, isaga oo ka codsaday agaasimaha cusub inuu sii xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya AGA iyo agaasinka waxbarashada G/Banaadir.

Agaasimaha guud ee agaasinka waxbarashada G/Banaadir Maxamed Barre oo  isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay guddoomiye Cabdalla Mansuur, waxaana uu ballanqaaday inuu halkiisa ka sii ambaqaadi doono wada shaqeyntii ka dhaxaysay labada hay’adood.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac, waxaana uu ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan.