Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Baresare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa 11/7/2024, wuxuu shahaadooyin guddoonsiiyay dhallinyaro uu u dhammmaaday tababbar ku saabsanaa habka qoraalcurinta toolmoon ee “Qoraalbile”.

Tababbarkaasi oo socday muddo laba maalmood ah ayaa qabashadiisa waxaa iskakaashaday midwoga qorayaasha Soomaaliyeed, jaamacadda Imaamu Shaafici iyo Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.

Hadal uu xirritaankii tababbarkaasi ka soo jeediyay guddoomiayha AGA ayaa sheegay inuu ku ammaanayo midowga qorayaasha joogtaynta tababbarrada caynkaan oo kale ah, isagoo caddeeyay tababbbarrada noocaan oo kale ah inay qayb weyn ka qaadandoonaan horumarinta akhrisqoraalka bulshada iyo sare u qaadidda habqoraalka habboon.

Sidoo kale, waxaa munaasabaddii xirritaanka tababbarkaasi ka hadlay guddoomiyaha midowga qorayaasha Soomaaliyeed Cali Suudi Nageeye oo ka qaybgalayaashii tababbarkaasi la wadaagay talooyin ku aaddan sidii ay uga mira dhallin lahaayeen tababbbarka ay qaateen.

Maamulka jaamacadda Imaamu Shaafici oo tababbarkaasi martigiliyay ayaa halkaasi ka ballanqaaday inay jaamacaddu markasta diyaar u tahay garabsiinta howlaha horumarinta akhrisqoraalka ee ay ku howllan yihiin MQS.