Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa maanta oo ku beegan 28/1/2021, waxa uu Shahaado Sharaf  heerkeedu sarreeyo uu guddoonsiiyay Guddoomiyaha Haweenka G/Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab

Hadal kooban oo uu munaasabaddaasi ka soo jeediyay Guddoomiye Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay AGA in ay ku faraxsan tahay in ay Shahaaddo guddoonsiiso Guddoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Baarqab, waxaana uu caddeeyay in ay ku mutaysatay dadaalkeeda iyo garab istaageeda ku aadan hiilka AfSoomaaliga iyo Akadeemiyadiisa.

Guddoomiyaha Haweenka G/Banaadir oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso Shahaadadaas ay Akadeemiye-Goboleedka (AGA) ay guddoonsiisay, waxayna hoosta ka xariiqday Shahaadadaan in ay ku abuurayso nolol cusub oo ku aadan sidii ay u sii dar-dargalin laheyd taageerada iyo la shaqeynta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.

Dhawaan ayay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxay ay Shahaadooyin qiimo badan ay ku guddoonsiisay Hay’addihii iyo Shaqsiyaadkii gacanta ka gaystay daryeelka iyo hiilka afkeena hooyo iyo Akadeemiyadiisa.