Muxaadaro uu cinwaankeedu  ahaa ‘Hayaanka Faca-weyn ee u Hiillinta Afka Hooyo”,  ayna ka soo qeyb-galeen ardayda Jaamacadda Kismaanyo  iyo marti sharaf aad u badan ayaa laguy qabtay Hotel Agan ee magaalada Kismaanyo ee G/J/Hoose.

Guddoomiyaha Akaddeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax  oo ahaa masuulkii ardaydaasi siinayay muxaadarada ayaa si cilmiyaysan u faah-faahiyay hayaanka dheer ee loo soo maray hiilka afka hooyo,  waxaana uu si qoto dheer uga hadlay dadaalkii loo soo galay qorista farta Soomaaliga, guushii laga gaarey, bur-burkii kadib caqabadihii la soo gudboonaaday iyo hiilka haatan loogu jiro  illaalinta  iyo daryeelka  afka Soomaaliga.

“Afka Soomaaliga  waxa uu ka mid yahay astaamaha  lagu garto ummadda Soomaaliyeed, ruux walba waxaa  waajib ku ah inuu qeybtiisa ka qaato horumarinta afka Soomaaliga” ayuu yiri Prof. Afrax oo aradaydaasi la wadaagay afka Soomaaliga inuu  yahay af hodon ah oo   ka mid ah  12-ka luqaddood ee ugu muhiimsan Qaaradda Afrika.

Xubno ka mid ah ardaydii ka soo qeyb-gashay dhagaysiga muxaadaradaas ayaa sheegay inay si weyn  ula dhaceen muxaadaradaas iyo mowduucii ay ku saabsaneyd, waxayna caddeeyeen inay wax  ka badan ka korosadeen, iyaga oo halkaas uga mahad celiyay Guddoomiyaha Aga oo ahaa soo jeediyihii  muxaadaradaas.

Muxaaradaas oo ku soo dhamaatay  jawi aad u wanaagsan ayaa goob joog waxaa ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Kismaanyo iyo Guddoomiyaha  Madasha Maan-kulan, waxaana gaba-gabadii muxaadaradaas ardayada iyo marti sharaftii kale ee goobtaasi ku sugneyd la guddoonsiiyay nuqlo ka mid ah buugga Haldoor iyo  Warsidaha Aga.