Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa shalay oo ku beegneyd 28/7/2021, waxa uu ka soo jeediyay muxaadaro uu halkudhaggeedu yahay: “Afka hooyo, ubadka Soomaaliyeed iyo ubucda waxbarashada” shir-cilmiyeedka looga hadlayo horumarinta waxbarashada Puntland.

Dr. Afrax ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay waxbarashada, waxaana uu iftiimiyay waxbarashadu in ay fure u tahay nolosha bani’aadanka oo dhan, isaga oo ku guubaabiyay ummadda Soomaaliyeed in ay u hawlgasho sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta waxbarashada dalka.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa muxaadaraddiisa, waxa uu si gaar ah diiradda ugu saarey kaalinta uu afka hooyo ku leeyahay waxbaridda iyo barbaarinta da’yarta, waxaana uu caddeeyay waxbarashadu in ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee laga kobciyo, isla markaana laga tayeeyo adeegsiga afka hooyo.

Shirweynahaas qiimaha badan ee looga hadlayo horumarinra waxbarashada dalka ayaa magaalada Garowe waxa uu ka soconayaa inta u dhaxaysa 27-29/7/2021.