Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan ummadaha islaamka ah, gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidulfidriga awgeed, taasi oo dunida muslimka oo dhan si isku mid ah looga wada dabbaaldegayo farxadda ciidaas.

Macallin Saciid Saalax ayaa Alle uga baryey ummadda Soomaaliyeed inuu ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd oo ay soo guteen intii lagu guda jiray bishii Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in sannadkaan, kiisa kale uu ku gaarsiiyo nabad iyo horumar.

Guddoomiyaha AGA ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed farxadda Ciidulfidriga darteed inuu qof kasta gacan ka geysto farxadsiinta dadka tabarta yar ee aan waxba haysan.

Ciidda loo yaqaanno Ciidulfitriga ayaa waxay ka mid tahay labada ciidood ee uu Alle siiyay ummadaha islaamka ah.