Dr. Maxamed Daahir ayaa Alle uga baryey ummadda Soomaaliyeed in uu ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd oo ay soo guteen intii lagu guda jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in sannadkaan, kiisa kale uu ku gaarsiiyo nabad iyo horumar.
Guddoomiyaha AGA ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed farxadda Ciidul Fidriga darteed in uu qof kasta gacan ka geysto farxad-gelinta dadka tabarta-yar.
Ciidda loo yaqaanno Ciidul Fitriga ayaa waxay ka mid tahay labada ciiddood ee uu Alle siiyay ummaddaha Islaamka ah.