Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa si rasmi ah loogu casuumay ka qeyb-galka iyo hadal jeedinta bandhigga buugaagta Garowe, bandhiggaasi oo halku-dhig looga dhigay “Aqooni waa Iftiin” ayaa magalaada Garowe waxa uu ka dhici doonaa inta u dhaxeysa 23-25 Luulyo 2019-ka.
Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ka mid ah martida ugu culus ee lagu casuumay bandhiggaasi ayaa hogaamin doono xubnaha Akadeemiyada uga qeyb-galayo bandhiggaas, wafdigaasi ka socda AGA ayaa muddada ay joogaan Garowe waxay halkaasi uga qeyb-gali doonaan dooddo, barnaamijyo iyo hadal jeedinno ku saabsan dhinacyada afka, qoraalka, cilmi baarsita, hal-abuurka, Iwm.
Qoraal ka soo baxay Guddiga Qaban-qaabada bandhiggaasi ayaa lagu caddeeyay Dr. Maxamed Daahir Afrax, inuu ka mid yahay Qorayaasha ugu caansan Soomaalida, iyada oo qoraalkaasi lagu tilmaamay in Buuggaagtiisa caanka ah ay ka mid yihiin Sheekada Caan baxday ee “Maana-faay” iyo Buuggiisa “Dal Dad waayey iyo Duni Damiir Beeshay” iyo kuwo kale oo xiiso badan.
Sidoo kale masuuliyiinta Akadeemiye-Goboleedka ee bandhiggaasi lagu martiqaaday waxaa ka mid ah Bare Sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka tirsan masuuliyiinta Akadeemiyada AGA, Bare Sare Mustafa ayaa safka hore kaga jira xeel-dheerayaasha dhinaca afka ee lagu casuumay bandhiggaasi.
Wafdiga Akadeemiye-Goboleedka ee sannadkaan ugu qeyb galayo bandhiggaasi waxaa kaloo ka mid ah Qoraa, Macallimad Dayax Axmed Maxamed oo qortay buugga la yiraahdo “Habeen Eersi” iyo kuwo kale.
Bandhiggaas ayaa la tilmaamay inuu sannadkaan ka xiiso badan yahay kuwii ka horeeyay, waxaana lagu martiqaaday oo ka qeyb galayo aqoonyahanno, cilmi baarayaal, qorayaal, aqoon faafiyaal, hal-abuurro iyo dad kale oo bulshada magac dheer ku dhex leh.














