Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa shalay oo ku beegneyd 19/1/2026, waxa uu kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Akademiya Goboleedka ee magaalada Jabuuti madaxda & qaar ka mid ah hawlwadeennada Akademiyada ee laanta Jabuuti.

Macallin Saciid Saalax oo shirguddoominayay kulankaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay guddoomiye kuxigeenka Akademiyada AGA, Md, Ismaaciil Cabdi Axmed, Dr. Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil & Drs. Faadumo Maxamuud oo labaduba xubin ka ah guddiga fulinta ee Akademiyada & xubno ka mid ah hawlwadeennada AGA ee laanta Jabuuti.

Guddoomiyaha AGA oo kulankaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay dadaalka ay Akademiyadu ugu jirto ka miradhallinta waajibaadka ay u xilsaaran tahay, wuxuuna caddeeyay in laan walba oo ka mid ah Akademiyada laga sugayo sidii ay uga soo dhalaali laheyd shaqooyinka horyaallo, isagoo dhanka kale xubnahaasi uga warramay shirka guddiga fulinta ee Akademiyada oo dhawaan la filayo inuu qabsoomo.

Guddoomiyaha oo hadlkiisa sii wata ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay sidii loo hormarin lahaa waxqabadka AGA iyo sidii loo hawlgalin lahaa laamaha iyo waaxyaha AGA, wuxuuna caddeeyay inay lagama maarmaan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Akademiyada iyo xafiisyada dawladaha ee Akademiyadu ka dhaxayso, isagoo soo jeediyay in la xoojiyo xidhiidhka ay Akademiyadu la leedahay xarumaha akhriska, cilmibaadhista iyo garaadgacmeedka.

Guddoomiye kuxigeenka Akademiya Goboleedka Md, Ismaaciil Cabdi Axmed oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in laanta Jabuuti ee Akademiya Goboleedka ay ka go’an tahay sidii ay u fulin laheyd hawlaha u qorshaysan, isagoo dhinaca kale, soo dhaweeyay qabashada shirka guddiga fulinta ee Akademiya Goboleedka oo lagu raja wayn yahay inuu dhawaan qabsoomo.

Kulankaasi ayaa ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan.