Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa shalay oo ku beegneyd 24/5/2021 waxa uu kulan gaar ah oo looga hadlayay dar-dargalinta hawlaha Akadeemiye-Goboleedka uu la yeeshay xubnaha goosan hawleedka Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha AGA oo ugu horeyntii daah-furay kulankaasi ayaa halkaasi ku soo dhaweeyay Najma Maxamuud Shiikh Cumar (Qaran Bila) oo ku soo biirtay xubnaha Akadeemiyadda, waxaana uu mid mid u baray xubnaha goosan halwleedka Muqdisho, isaga oo u rajeeyay in ay wax badan ku soo kordhin doono hawlaha AGA.

Dr. Afrax oo hadalkiisa sii wata ayaa si xikmadaysan uga warbixiyay socdaalladii hawleed ee uu dhawaan ku soo kala bixiyay qaar ka mid ah magaalooyinka ku yaallo Geeska Afrika sida Jabuuti, Jigjiga iyo Garoowe.

“Socdaalladii aan ku tagay magaalooyinkaas waxa ay ku saabsanaayeen xoojinta hawlaha Akadeemiyada, shirrar mira dhal ah iyo heshiisyo lagu hormarinayo shaqooyinka AGA ayaa magaalooyinkaas kula soo saxiixday qaar ka mid ah madaxda goobahaasi, xaqiiqdiina booqashooyinkaasi waxa ay ku soo gaba-gaboobeen si guul leh” ayuu yiri Dr. Afrax.

Guddoomiyaha AGA  ayaa mar uu si gaar ah ula hadlayay goosanka Akadeemiyada ee Muqdisho waxa uu la wadaagay sida loogu baahan yahay in loo laba jibaaro shaqooyinka AGA, waxaana uu farey xubnahaasi in ay la yimaadaan waxqabad la taaban karo, isaga oo ku celceliyay in uu jiri doono isla xisaabtan iyo qiimeyn ku aadan hadba shaqooyinka la qabto.

Kulankaasi waxaa iyaguna ka hadlay Bare sare Mustafa C/llaahi Feyruus, Rooble Axmed Iidle (Qalbi Taajir), Al-ustaad C/llaahi Gacanka, Cabdi-naasir Yuusuf Macallin, Axmed Maxamed Dhicisow, C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba), Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad), Najma Qaran Bila, Fardowsa Cali Faarax iyo xubno kale, kuwaasi oo soo jeediyay warbixinno ku saabsanaa horumarkii laga sameeyay hawlihii socday ee Akadeemiyada, qorsho hawleedka AGA iyo qoddobo kale oo muhiim ahaa.