Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa maanta oo ku beegan 13/6/2021 waxa uu kulan gaar oo looga hadlayay horumarinta waraabhinta Akadeemiye-Goboleedka uu la yeeshay bahda warbaahintaas.
Munaasabaddii kulankaasi ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo si cilmiyaysan uga hadlay muhiimadda ay warbaahintu u leedahay Akdeemiyada, waxaana uu caddeeyay in ambaqaad wanaagsan ay samaysay warbaahinta AGA, isaga oo u soo jeediyay bahda warbaahintaas in ay xil gaar ah iska saaraan wararka, barnaamijyada iyo qoraaladda ay ku baahinayaan warbaahinta Akadeemiyada.
“Warbaahinta AGA waa xarun aqooneed uu hadafkeedu yahay hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa, waxaana haboon in si waafaqsan nidaamka caalamiga ah in looga faa’iideysto aalad kasta oo ka mid ah warbaahinta Akadeemiyada” ayuu yiri Dr. Afrax oo hoosta ka xarriiqay in tababbaro gaar ah loo qaban doono bahda qaabilsan warbaahinta Akadeemiye-Goboleedka.
Md, Rooble Axmed Iidle (Qalbi-taajir) Al-ustaad C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba), Najma Maxamuud Shiikh Cumar (Qaran Bila) iyo Caaqil Axmed Faarax oo dhammaantood ka tirsan bahda warbaahinta AGA ayaa halkaasi ka soo jeediyay fekrado iyo tallooyin wax ku ool ah oo ku aadan sida loo horumarin karo warbaahinta Akadeemiyada.
Warbaahinta AGA ayaa waxa ay isugu jirtaa qeybo kala duwan, iyada oo qeyb kasta ay u xil-saaran tahay gudashada waajibaad u qaas ah oo lagu og yahay.















