Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuuur ayaa furitaankii shirka ereybixinta teknolajiyada ee af Soomaaliga, wuxuu ka soo jeediyay daraasad ku saabsan Casriyaynta af Soomaaliga ee dhinca ereybixinta.
Guddoomiyaha AGA ayaa ugu horeyntii sheegay inuu af Soomaaligu yahay astaanta, aqoonsiga iyo haybta ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna iftiimiyay af Soomaaliga inuu yahay af kobcayo, oo horumar samaynayo, isagoo dawladda iyo shacabka ka codsaday in loo hawlgalo sidii uu af Soomaaliga u noqon lahaa mid casri ah oo cilmi ku dhisan.
Mar uu ka hadlayay dhanka ereybixinta, wuxuu caddeeyay in 1972 la bilaabay ereybixinta wasaaradaha, wuxuuna uu ku nuuxnuuxsaday ereybixintaas inaytahay mid fiican laakiin ay u baahan yihiin sixid iyo turxaanbixin, isagoo hoosta ka xarriiqay ereybixintaas inay ka maqantahay teknolajiyada iyo waxyaabo badan oo xilliyadan dambe soo baxay.
“Aqoonyahanno badan ayaa sameeyay ereybxin kala duwan, xaqiiqdii ereybixintaas ma midaysno, sidaasi daraadeed waxaa u soo jeedinayaa dawladda Soomaaliyeed inay isukeento labada Akademiye iyo aqoonyahan walba oo haya ereybixin, si loo helo ereybixin la isku waafaqsanyahay” ayuu yiri Barasare Cabdalla Mansuur.
Daraasadaan uu guddoomiyaha AGA ku soo bandhigay shirka ereybixinta teknolajiyada ee af Soomaaliga ayaa 17/6/2024,wuxuu ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, iyadoo uu furay Ra’iisulwasaare Kuxigeenka Soomaaliya Md, Saalax Axmed Jaamac,