Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda aqoonta iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Bare sare Maxamed Cabdi Gaandi oo maanta ku geeriyooday wadanka Faransiiska.
Dr. Afrax ayaa sheegay geerida Bare sare Gaandi in ay naxdin weyn ku tahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa hormuudka aqoonyahankeeda, waxaana uu caddeeyay in uu Qaranka Soomaaliyeed ka baxay tiir weyn oo aqooneed.
Guddoomiyaha AGA ayaa hoosta ka xariiqay in isaga iyo Gaandi in ay ahaayeen saaxiibbo halgan dheer soo wada galay, waxaana uu xusay in Bare sare Gaandi in uu safka hore kaga jirey xoojinta dhaqanka, afka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Allaha u naxariistee Bare sare Maxamed Cabdi Gaandi waxa uu ahaa aqoonyahan ku takhasusay culuumta Isir-raaca dadka, Taariikhyahan iyo Buuni cilmigiisa ay ka faa’iideysteen dad badan.














