Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle  ha u naxariistee Marxuum C/llaahi Maxamed Sheegoow oo ka mid ahaa tiirarka bahda Warbaahinta  Soomaaliyeed, Marxuumka ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Dr. Afrax ayaa sheegay inuu si aad ah uga naxay geerida ku timid Marxuumka, waxaana uu tilmaamay  Al-ustaad Sheegoow inuu ahaa aqoonnyahan,  qoraa  iyo waaya arag muddo dheer ku soo dhex jiray hawlaha Warbaahinta, isaga oo caddeeyay in Marxuumku  uu ahaa aqoonyahan  noloshiisa u hibeeyay u adeegidda bulshadiisa.

“Aniga oo ku hadlayo magacayga, magaca Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo guud ahaan magaca bahda afka, dhaqanka, hal-abuurka  iyo suugaanta ayaa geerida Marxuumka, waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed,  gaar ahaan qoyskii, eheladii iyo saaxiibadii uu ka baxay Marxuumka, waxaana Alle uga baryayaa inuu Jannada ka waraabiyo” ayuu yiri Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Alle ha u naxariistee Marxuum Sheegoow waxa uu ahaa aqoonyahan soo  bartay Culuumta Siyaasadda, waxaana uu soo noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha, waxaana uu sannadahaan dambe ka tirsanaa bahda ururada bulshad rayidka Soomaaliyeed.