Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdulllaahi Ciise (Sangub) oo ka mid ahaa tiirarka Fanka Soomaaliyeed, Marxuumka ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Addis-ababa ee wadanka Ethiopia.

Dr. Afrax ayaa sheegay inuu si aad ah uga naxay geerida ku timid Marxuumka, waxaana uu tilmaamay Abwaanku inuu hal-abuure caan ah iyo waaya arag muddo dheer ku soo dhex jiray hawlaha fanka Soomaaliyeed, isaga oo caddeeyay Abwaanku inuu ahaa suugaan ruug noloshiisa u hibeeyay Wacyigalinta bulshadiisa.

“Aniga oo ku hadlayo Magacayga, magaca Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo guud ahaan magaca bahda afka, dhaqanka, hal-abuurka iyo suugaanta ayaa geerida Abwaanka, waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, eheladii iyo saaxiibadii uu ka tirsanaa ee Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, waxaana Alle uga baryayaa inuu Jannada ka waraabiyo” ayuu yiri Prof. Maxamed Daahir Afrax.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub) waxa uu ahaa Abwaan wadani ah oo Alle u hibo u siiyay curinta Riwaayadaha, Sheekooyinka, Gabayada iyo qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Suugaanta, waxaana uu ahaa Macallin soo saarey fannaaniin badan oo wax ku ool ah.