Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Al-Fannaan Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi), marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada London oo maalmihii u dambeeyay uu ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla magaaladaasi.

Dr. Afrax ayaa sheegay inuu si aad ah uga naxay geerida ku timid fannaanka, waxaana uu tilmaamay inuu Xudeydi ahaa muusikiiste caan ah oo muddo dheer ku soo dhex jiray hawlaha fanka Soomaaliyeed, isaga oo caddeeyay fannaanku inuu ahaa hobol noloshiisa u hibeeyay Wacyigalinta bulshadiisa.

“Aniga oo ku hadlayo Magacayga, magaca Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo guud ahaan magaca bahda afka, dhaqanka, hal-abuurka iyo suugaanta ayaa geerida Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi), waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, eheladii iyo saaxiibadii uu ka tirsanaa ee fanka Soomaaliyeed, waxaana Alle uga baryayaa inuu Jannada ka waraabiyo” ayuu yiri Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Allaha u naxariistee Marxuum Xudeydi ayaa da’diisa aheyd 92 sanno jir, waxaana uu sannadkii 1928 ku dhashay magaalada Berbera, Xudeydi oo ahaa waaya arag muddo dheer fanka ku soo dhex jirey ayaa waxaa loo yaqiinay boqorkii Cuudka, isagoo tiir iyo udub dhexaad u ahaa Fanka Soomaaliyeed, kana mid ahaa aas-aasayaasha Fanka Casriga ah ee Soomaalida.