Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa magaalada London ka socday barnaamij sannadle ah oo loo yaqaan Toddobaadka Soomaalida (Somali Week Festival) oo ay soo abaabusho hayadda Kayd ee ka dhisan dalka Ingiriiska (www.kayd.org).
Waxaa sannad walba si joogta ah uga qeybgala xubno ka tirsan AGA. Maalintii Sabtida ee 18-ka Oktoobar Guddoomiye Siciid Saalax, Prof. Peter Chonka iyo Cilmibaare Maxamed Cabdimaalik ayaa ka wada qeybgalay dood cilmiyeed aad u xiisa badneyd oo ku saabsan aqoonta cusub ee “AI” iyagoo ka eegayey dhanka cilmi-afeedka gaar ahaan afka Soomaaliga, waxayna inta badan diiradda saarayeen eraybixinta.
Maalintii 19-ka waxay ahayd maalintii buugta, halkaasoo lagu soo bandhigay buugaag tira badan, kuna qornaa afaf dhowr ah haba ugu sii badnaadeen kuwa ku qoran af Soomaaliga. Xubnaha AGA ee qaaradda Yurub ayaa halkaa wax soo saarkooda si goono ah uga muuqday.
Maalintii bishu ay 21 ahayd waxay ahayd maalin suugaan, iyadoo ay ugu bilnayd cilmibaaris laga sameeyey suugaanta banaadiriga iyo mid ku saabsanayd gabayadii ay haweenku tiriyeen sannooyin badan oo la soo dhaafay iyo kuwa dhawaan la curiyeyba. Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay buugaag afka Ingiriiska ku qornaa ay soo diyaariyeen gabdho Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah. Qeybtaa dambe markii ay dhammaatay ayaa Guddoomiyaha AGA macallin Siciid iyo xubno ka tirsan AGA waxay kula kulmeen isna wareysteen Muuna Maxamed Daahir Afrax oo soo bandhigtay buuggii caanka ahaa ee “Maana Faay” oo afka Ingiriiska loo rogay.
Habeenkii Khamiista ee 23ka bishan, waxaa Guddoomiye Siciid kulan is-xogwareysi iyo talooyin isugu jiray la yeeshay qaar ka mid ah Golaha Fulinta iyo Xeeldheerayaasha AGA ee ku sugnaa London sida Saynab Aden Sharci, Rashiid Sh. Cabdillaahi, Boodhari Warsame iyo Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon. Guddoomiyahana wuxuu aad ugula ballamay dardargelinya hawlaha Akademiyada
Toddobaadka Soomaalida ee London oo sannadkaan si qurux badan u dhacay ayaa fanaanniintii ka soo muuqatay, waxaa ka mid ahaa Hibo Nuura.
















