Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa shalay, oo ku beegneyd 9/9/2024, wuxuu xarunta jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, uu kaga qaybgalay xuska maalinta caalamiga ah ee akhrisqoraalka adduunka.
Barasare Cabdalla Mansuur ayaa si qotodheer u faahfaahiyay muhiimadda uu leeyahay akhrisqoraalka, wuxuuna iftiimiyay qofba qofka uu ka akhrisqoraal badan yahay inuu ka hormarsanyahay, isagoo ka qaybgalayaashii bandhigaasi kula dardaarmay inay ku dadaalaan xoojinta akhrisqoraalka.
Mar uu guddoomiyaha AGA ka warramayay xoojinta af Soomaaliga ayaa sheegay inuu afku yahay haybta Soomaalinnimada, sidaaasi daraadeedna muwaaddin walba looga baahanyahay inuu xil iska saaro hiilka iyo noolaynta af Soomaaliga, isagoo dhanka kalana ku celceliyay inay Akademiyada AGA ka go’antahay sidii loo soo celin lahaa maqaamkii uu af Soomaaligu ku lahaa bulshada dhexdeeda, gaar ahaan waxbarashada iyo maamulka.
Sidoo kale, waxaa xuskaasi ka hadashay aqoonyahan Shukri Cali Maxamed (Shukri Fiican) oo soo dhowaysay xuska maalintaasi caalamiga ah, waxayna tilmaamtay in loo baahanyahay joogtaynta xusaska noocaan oo kale ah, iyadoo makatabadda Dhoobaale ee jaamacadda SIMAD uga mahadnaqday qabashada xuskaas.
Kasooqaybgalayaashii bandhigaas ayaa aad uga faa’iideystay baraarujntii ku saabsnaeyd faa’iidada uu leeyahay akhrisqoraalka, iyagoo ugu dambeyntii weyddiimahoodii jawaabo buuxa laga siiyay.