Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Baresare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa maanta oo ku beegan 10/01/2024, wuxuu magaalada Muqdisho kaga qaybgalay dood cilmiyeed cinwaankeedu ahaa “Waxbarashada iyo Af Soomaaliga”, taasoo ay soo qabanqaabisay jaamacadda Green Hope oo ka mid ah jaamacadaha dalka kuwooda ugu firfircoon, ahna Jaamacadda kaliya ee bixisa kulliyadda afka iyo suugaanta.
Dooddan oo ahayd mid aad u xiisa badan, ayaa waxaa ka qaybgalay maamulka jaamacadda Green Hope, mas’uuliyiin ka socotay xarunta Dhaxalreeb, makhaawiirta afka iyo dhaqanka Soomaalida, qorayaal, ardayda jaamacadaha dalka iyo marti sharaf kale.
Doodaasi oo aad loo jecleystay ayaa aqoonyahannadii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa:
-
Baresare Cabdalla Cumar Mansuur Guddoomiyaha Akademiyada AGA
-
Xuseen Tooxow Faarax Madaxa Jaamacadda Green Hope
-
Maxamed Muuse Mataan
-
Maxamed Cilmi Tooxow
-
Bare Maxamed Faarax Cali (Sabca weyne)
-
Agaasime Cabdi Axmed Maxamed (Baafo)
-
Maxamed Warsame Hiraabey














