Guddoomiyaha Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa ka hadlay mashaqadii 24-kii bishan ka dhacday Xarunta Maamulka G/Banaadir, waxaana uu sheegay in uuu si aad uga naxay qaraxii ka dhacay xaruntaasi ee dhaliyay Dhaawaca iyo Dhimashada.

Prof. Afrax oo ku hadlayay magaciisa, magaca Akadeemiyada iyo guud ahaan magaca bahda Afka, Dhaqanka iyo Hal-abuurka ayaa sheegay inuu ummadda Soomaaliyeed uga Tacsiyaynayo masuulyiintii iyo shaqaalihii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xarunta G/Banaadir, waxaana uu dhanka kale caddeeyay inuu caafimaad taam ah u rajaynaayo Guddoomiyaha G/Banaadir iyo madaxda kale ee dhaawacoodu loo qaaday wadanka dibaddiisa!

Galabnimadii Arbacada ayay aheyd markii uu qaraxa ka dhacay gudaha xarunta Maamulka G/Banaadir, qaraxaasi ayaa dhacay xilli ay halkaasi shir ku lahaayeen madaxda G/Banaadir iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka.