Gudddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa magaalada Jigjiga waxa uu uga qeyb-galayaa shir cilmiyeed caalami ah oo soconayo inta u dhaxeysa 5-6/4/2021, kaasi oo uu soo qabanqaabiyay urur goboleedka Igad.

Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa martiqaad rasmi ah ka helay ururka Igad oo isku soo duway shirkaasi, waxaana la filayaa in uu Guddoomiyaha AGA shirkaasi ka soo jeediyo khudbad uu kaga hadlayo taariikhda iyo waxqabadka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, iyada oo dhinaca kalana lagu wado in uu Guddoomiyaha AGA halkaasi kulamo kala gooni-gooni ah kula yeesho madaxda jaamacadaha Geeska Afrika ee ka qeyb-galayo shirkaasi.

Dhawaan ayay magaalada Jabuuti heshiis iskaashi ku kala saxiixdeen Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo hogaamiyaha Igad Dr. Workneh Gebeyahu.