Xaflad lagu maamuusayay bixinta “Shahaado Sharaf” ay Jaamacadda Kismaanyo ugu tala-gashay Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Afsoomaaliga (AGA), ayna ka soo qeyb-galeen masuuliyiin kala duwan ayaa lagu qabtay Hotelka Agan ee magaalada Kismaanyo.

Munaasabaddii xafladaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa Guddoomiyaha Jaamacadda Kismaanyo Dr. Maxamed Bile Xaashi waxa uu halkaas Shahaado Sharaf ku guddoonsiiyay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax.

Hadal uu halkaas ka soo jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda Kismaanyo Dr. Maxamed Bile ayaa  sheegay inay Jaamacaddiisu ku faraxsan tahay shahaadadaas ay guddoonsiisay Prof. Maxamed Daahir, waxaana uu tilmaamay  Prof. Afrax inuu shahaadadaas ku mutaysay aqoontii hagar la’aaneed ee uu siiyay ardayda Jaamacadda Kismaanyo ee isugu jirtay Muxaadaradii Afka-hooyo iyo Daraasad Cilimiyeedkii ku saabsaneyd Suugaanta Soomaalida.

Guddoomiyaha Aga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo isna munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo Shahaadadaas la guddoonsiiyay, waxaana uu carrabka ku dhuftay  Shahaadadaas inay ku beereyso  nolol iyo geesinimo cusub, isaga oo u mahad-celiyay maamulka Jaamacadda Kismaanyo oo u gartay Shahaadadaas.

Munaasabaddii Casho sharaftaas ee lagu maamuusayay bixinta Shahaadadaas  waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan maamulkii hore ee Jaamacaddaas iyo Xoghaynta Guud ee Akadeemiye-Goboleedka Aga Seynab Xaaji Axmed “Ugbaad” iyo madax kale oo ka socotay ururada bulshada ee magaaladaas.