Munaasabad ku saabsan guddoonsiinta deeq buugaag ah, oo loogu talaggalay maktabadda AGA, ayna ka soo qaybgaleen madaxda Akademiyada iyo mas’uuliyiin kale, ayaa maanta oo ku beegan 12/01/2025, waxaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed oo hadal kooban ka soo jeediyay munaasabadaas ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo buugaagtaasi la soo gaarsiiyay maktabadda AGA, wuxuuna caddeeyay inay buugaagtaasi ka faa’iidaysan doonaan akhristayaasha soo booqda maktabadda Akademiyada, isagoo halkaasi uga mahadnaqay qoraaga buugga “Ka Faa’iidaysiga Khayraadka Biyaha” Dr. Ibraahim Maxamed Faarax (Biriq) oo ah qoraha buuggiisa ugu deeqay maktabadda Akademiya Goboleedka.

Qoraaga buugga Ka faa’iidaysiga Khayraadka Biyaha  Dr. Ibraahim (Biriq) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in nuqllo ka mid ah buugiisa uu soo gaarsiiyo maktabadda Akademiyada, isagoo dhanka kale faahfaahiyay nuxurka iyo macluumaadka uu ka hadlayo buugga “Ka Faa’iidaysiga Khayraadka Biyaha”.

Munaasabaddaas waxaa goobjoog ka ahaa Md. Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon oo ka mid ah guddiga fulinta ee Akademiya Goboleedka iyo fannaanka Sayid Khaliifa iyo mas’uuliyiin kale.