Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa maanta oo ku beegan 19/11/2025, waxa uu buug ka hadlayo “Soomaaliya iyo Dawladnimada” uu  ka guddoomay Admiral Gaas, Prof. Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo wakiil ka ahaa qoraha buugaas Drs. Maryan Yuusuf.

Macallin Saciid Saalax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo buugaas la guddoonsiiyay, waxaana uu iftiimiyay inay Akademiyada ka go’an tahay gacansiinta qorayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda wax ku qora af Soomaaliga.

Admiral, Gaas Prof. Farax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu buugaas soo gaarsiiyo guddoomiyaha AGA Macallin Saciid Saalax, oo buugaasi loo soo hibeeyay, wuxuuna dulmar kooban ku sameeyay nuxurka iyo qaybaha uu ka koban yahay buugaas ay qortay Drs. Maryan Yuusuf.

Buugaan cusub oo ka hadlayo “Soomaaliya iyo Dawladnimada” ayaa lagu wadaa dhawaan in bandhig loogu sameeyo magaalada Muqdisho.