Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Baresare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa 8/11/2023, waxa uu kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Akademiya Goboleedka qaar ka mid ah ardayda wax ka barata kulliyadda afafka ee jaamacadda ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabad kooban oo lagu maamuusayay soo dhaweynta ardaydaasi soo booqatay xarunta dhexe ee Akademiyada, ayna ka soo qeybgaleen madaxda iyo hawlwadeennada AGA, ayaa lagu qabtay, isla xarunta Akademiya Goboleedka ee magaalada Muqdisho.
Baresare Cabdalla Mansuur oo la hadlayay ardaydaasi ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu leeyahay afkeenna hooyo, waxaana uu iftiimiyay in af Soomaaligu uu ka mid yahay afafka qiimaha badan ee dunida looga hadlo, isaga oo ardaydaasi ku guubaabiyay inay jeclaadaan, oo ay ku faanaaan afkooda hooyo.
Ardaydaasi oo la guddoonsiiyay buugga “Astaamaha Guud ee Maansada” oo uu qorey Baresare Mansuur ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiinn booqashada ay ku yimaadeen xarunta AGA, waxayna ka mahadnaqeen sida loogu dhaweeyay xaruntaasi.