Kulan ay isugu yimaadeen Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka {National Theatre} Abwaan C/qaadir Cabdi Shube, loogana hadlayay sidii ay labada hay’addood iskaashi iyo midow u yeelan lahayeen ayaa maanta oo ku beegan 16/12/2020, waxa uu ka dhacay xarunta Golaha Murtida iyo Wacyigalinta ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha AGA iyo Maareeyaha Tiyaatarka ayaa kulankaasi uga wadahadlay baahida loo qabo sidii ay AGA iyo bahda fanka ay u yeelan lahayeen wada-shaqeyn buuxda, waxaana ay iftiimiyeen midowga labadaasi dhinac in uu wax badan ku soo kordhin doono xoojinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa fanneed iyo suugaaneed, iyaga oo caddeeyay in ay ka go’an tahay taaba-galinta arintaasi.

Kulankaasi laba geesoodka ahaa oo ku dhammaaday jawi wanaagsan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka kala socotay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Golaha Murtida iyo Wacyigalinta {National Theatre}.