Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Maareeyaha Idaacadda iyo Taleefishinka Jamhuuriyadda Jabuuti (RTD) Md, Maxamuud Saleemaan Xareed ayaa maanta oo ku beegan 3/3/2021 waxa ay kulan muhiim ah ku yeesheen xafiiska Maareeyaha RTD ee magaalada Jabuuti.

Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa booqashada uu ku tagay xarunta idaacadda iyo taleefishinka Jabuuti waxa ay ka dambaysay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Maareyaha warbaahinta wadankaas, iyada oo Guddoomiyaha AGA si hab-maamuus sare leh loogu soo dhaweeyay xaruntaasi.

Guddoomiyaha AGA iyo Maareeyaha xarunta warbaahinta RTD ayaa si qoto dheer uga wada-hadlay sidii ay labada dhinac u yeelan lahaayeen iskaashi iyo wada shaqeyn ku saabsan dhinacyada afka, dhaqanka, hal-abuurka, qoraalka iyo aqoon faafinta.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha AGA iyo Maareeyaha RTD ayaa waxa ay ku heshiiyeen in ay labada hay’adood iska-kaashaadan dhinacyada Barnaamijyada, Tababbarada, Tayaynta Adeegsiga Af-Soomaaliga, Xoojinta Hal-abuurka, Iwm.

Munaasabaddii kulankaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee wadanka Jabuuti Dr. Nimcaan Cabdillaahi Qawrax iyo masuuliyiin ka socotay dhanka warbaahinta RTD.