Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa maanta oo ku beegneyd 11/4/2021 waxa uu kulan-shaqo la yeeshay Maareeyaha Guud ee Mac-hadka Arrimaha Dibadda ee Urur-goboleedka IGAD. Shirkaas oo ka dhacay xarunta Mac-hadkaas ee magaalada Jabuuti, labada masuul waxay isku weydaarsadeen xog-warran mid kastaa kan kale uga xog-warramay haya’dda uu masuulka ka yahay.

Dr. Afrax wuxuu Maareeyaha fikrad ka siiyey AGA taariikhdeeda, himiladeeda iyo waxqabadkeeda. Wuxuu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda afka hooyo iyo hal-abuurkiisa iyo xilka ka saaran dhinacyada uu ka mid ka yahay Urur-goboleedka IGAD ee uu ka tirsan yahay mac-hadku.

Wuxuu farta ku fiiqay heshiiskii iskaashiga ee ay hore u kala saxeexdeen AGA iyo IGAD iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in hore loo qaado si loo fuliyo heshiiskaas. Wuxuu masuulka IGAD ku boorriyey in AfSoomaaliga lagu daro afafka lagu barto Mac-hadka kor ku xusan, asagoo balllan-qaaday in ay AGA mac-hadka gacan ka siinayso hirgalinta fikraddaas.

Maareeye Muuse aad ayuu u soo dhaweeyey fikraddaas, waxaana la isla meel-dhigay in loo hawlgalo meel-marinta arrinkaas. Falanqayn dheer kadib labada masuul waxay isku afgarteen in lagu tallaabsado dhawr hawlgal oo la iska-kaashado, kuwaasoo ku salaysan ama looga tilmaan-qaadanayo heshiiskii iskaashiga (MoU) ee ay kala saxiixdeen AGA iyo IGAD.

Tallabadaas Guddoomiye Afrax ku booqday Mac-hadka Adeegga Dibadda IGAD waxay qayb ka tahay dadaallo muddooyinkaan dambe AGA ugu jirtey ballaarinta xiriirrada iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhinacyada ku habboon.