Gudoomiyaha Aqalka Sare  Md, Cabdi Xaashi C/llaahi, Gudoomiyha Guddiga Warfaafinta ee Golaha Baarlamaanka Xildhibaan Khaalid Macow, Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim iyo dhamaan bahda  Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxay si wadajir ah tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaan Guddoomiyaha Akadeemiyada Aga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo walaashiis Marxuumad  Abshiro Daahir Afrax  ay ku geeriyootay Deegaanka  Mareer oo ka tirsan  Degmada Gari-cad ee Gobolka Mudug.

Madaxdaas iyo xubnaha  Aga ayaa  marxuumadaasi Alle uga barayay inuu Jannada ka waraabiyo, kitaabkeedana uuu middigta ka siiyo, marti la jecel yahay inay noqoto, qoyskii iyo eheladii ay ka baxdayna samir iyo iimaan inuu illaah  ka siiyo.

Dhinaca kale tacsi gaar ah waxaa dirayo goosanka  Akadeemiyada ee  Muqdisho oo kala ah Prof. Mustafa Feyruus,  Cabdi-naasir Yuusuf, Cali Cigaal, C/casiis  Goobdoon, Axmed faarax, Deeq Xersi, C/llaahi Gacanka, Axmed Dhicisow, C/llaahi Xasan, C/qaadir Shire,  Seynab Xaaji Axmed “Ugbaad” iyo Dayax Axmed Maxamed, dhamaan dadkaas  waxay Guddoomiye Dr. Afrax uga tacsiyeynayaan Marxuumada geeriyootay,  waxayna Alle uga baryayaan inuu Jannada ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa tacsi taas la mid ah diraya Maqaawiirta iyo Wakiilada Akadeemiyada Aga ee kala ah Prof. Cabdalla Mansuur, Prof. Maxamed Cali Kalaay, Macallin Saciid Saalax, Qoraa Axmed Faarax” Idaajaa”,  Aqoonyahan Maxamed Sheikh  Afguriye {Xukun}, Ismaaciil Jaa-juumow,  C/qaadir Ruumi,  C/raxmaan Aabtidoon,  Aamino Muuse,  Max’ed C/llaahi Cartan, Macallin Maxmuud, Cabdi-naasir Ibraahim, C/rashiid Maxamed Ismaaciil iyo  Inna caws gurow,  dhamaan masuulyiintaasi waxay Dr. Afrax  uga tacsiyaynayaan geerida ku timid walaashiis oo ku geeriyootay Gobolka Mudug.

Waxaa kaloo tacsi dirayo asaxaabta kala ah Ku-simaha Gudoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamed  iyo dhamaan xubnaha Golahaasi, Ayaanle Xuseen Cabdi “Hanoolaato”, Amiin Yuusuf Qasaaro, Dahabo Sheikh Maxamuud iyo dhamaan bahda ku mataanaysan Akhriska, Qoraalka iyo Hiilka afka hooyo, waxayna marxuumada geeriyootay Alle uga baryayaan inuu Jannadiisa geeyo.

Adduunyadu waa safar, qof walbana maalin ayuu ka tagayaa, ma-dhinte waa illaah ee Alle ha u naxariisto walaasheena Marxuumad Abshiro Daahir Afrax oo ku xijaabatay Deegaanka Mareer ee G/Mudug.

Innaa Lillaahi Wa- Innaa Illeyhi Raajicuun