Guddiga wadajirka ee qabanqaabada xuska toddobaadka afka hooyo ayaa maanta oo ku beegan 24/1/2024, waxay kulan ballaaran ku yeesheen xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).

Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Baresare Cabdalla Cumar Mansuuur oo kulankaasi shirguddoominay ayaa xubnaha guddiga qabanqaabada ku guubaabiyay inay dadardargaliyaan hawlahooda, isagoo guddi walba u soo jeediyay inay ka soo dhallaalaan shaqooyinka loo xilsaarey.

Afarta guddi ee qabanqaabada ayaa soo bandhigay shaqooyinkii guddi walba u qabsoomay.

Kulankii maanta oo aad u xiisa badnaa ayaa ugu dambayntii waxaa lagu ballamay in la sii xoojiyo u diyaargarowga toddobaadka afka hooyo.