Guddiga fulinta ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa xalay oo ku beegneyd 25/5/2024, wuxuu kulan looga wadahadlayay horumarinta shaqooyinka Akademiya Goboleedka iyo sidii loo qaban lahaa shiweynihii seddexaad ee Akademiyada uu ku yeeshay aaladda loo yaqaanno Zoomka.
Guddoomiyaha Akademiyada Baresare Cabdalla Cumar Masnuur iyo mas’uuliyiinta kale ee halkaasi ka hadashay ayaa sheegay inkastoo aan dadaal loo yaraysan, haddana, inaan lagu guulaysan helidda dhaqaalihii lagu qaban lahaa shirweynahaas.
Mas’uuliyiinta Akademiyada ayaa isla falanqeeyay sida ay suurtagal ku noqon karto qabsoomidda shirweynaha 3aad ee AGA, kaasi oo la qiray inay qabashadiisu dabadheeraatay, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay talooyin dhaxalgal ah oo ku aaddan, sida ugu habboon ee loo qaban karo shirweynahaas.