Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha guddiga fulinta ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, loogana hadlayay doorashada madaxda cusub ee hoggaamin doonto waaxyaha Akademiyada, ayaa xalay oo ku beegnayd 25/1/2025, waxa uu ka dhacay aaladda Zoomka.
Kulankaasi oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Macallin Saciid Saalax Axmed, ayaa waxaa ka soo qaybgalay guddoomiye kuxigeennada Akademiyada ee kala ah: Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim iyo Ismaaciil Cabdi Axmed. Sidoo kale, kulankaasi waxaa ka soo qaybgalay xubnaha kale ee guddiga fulinta ee Akademiyada.
Guddoomiyaha Akademiyada Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa xubnaha guddiga fulinta soo hordhigay doorashada madaxda hoggaamin doonto waaxyaha kala duwan ee Akademiyada. Dood, falanqayn iyo Istusaaleyn dheer kaddib, waxa si aqlabiyad leh loo doortay xeeldheerayaasha kala hoggaamin doono waaxyaha Akademiyada, waxayna kala yihiin:-
-
Waaxda Adeegsiga Af Soomaaliga Md, Cabdiraxmaan Max’ed Abtidoon
-
Waaxda Naxwaha Barasare Cabdalla Cumar Mansuur
-
Waaxda Tarjumaadda iyo Ereybixinta Saynab Aadan Daahir (Sharci)
-
Waaxda Qaamuusaynta Barasare Mustafa Cabdullaahi Fayruus
-
Waaxda Suugaanta Drs. Faaduma Maxamuud Xaaji