Kulan si gaar ah looga arrinsanayey sidii lagu dardargelin lahaa hawlaha naadiga Somali Pen, laanta Muqdisho ayaa maanta oo ku beegan 14/11/2022, waxa  uu golaha fulinta ee naadiga Somali Pen ee laanta Muqdisho uu la qaatay madaxda waaxaha naadigaas.

Kulankaan oo lagu qabtay xafiiska kumeel gaar ah ee naadiga ayaa looga dooday sidii loo dhaqaajin lahaa hawlaha hortebinta leh ee naadiga,  isla markaana loola  xisaabtami lahaa waaxaha kala duwan ee naadiga.

Guddoomiye ku xigeenka naadiga Somali Pen, laanta Muqdisho Axmed Maxamuud Dhicisow  oo shir guddoominayey kulanka ayaa madaxda waaxaha  kula dardaarmay in ay si wanaagsan oo daacadnimo ay ku jirto ay hawshooda u gutaan, isla markaana ay waax walbaa u diyaargarowdo in ay miiska isla xisaabtanka timaaddo haddii ay waxqaban waydo.

Dhowaan ayay ahayd markii xilka guddoomiyaha naadiga loo dhiibay marwo Dahabo Shiikh Maxamuud oo xilkaa la wareegtay kaddib markii uu geeriyooday guddoomiyihii hore ee naadiga Somali Pen, laanta Muqdisho  Allaha u naxariistee marxuum Cabdinaasir Yuusuf Macallin.