Shir ballaaran oo looga hadlayay qabashada shirweynaha seddexaad ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayna ka soo qeybgaleen xubnaha uu ka kooban yahay golaha fulinta ee AGA ayaa 30/12/2022, waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiiga qabanqaabada shirweynaha Akadeemiyada AGA Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo shirkaasi shir guddoominayay ayaa xubnaha golaha fulinta ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in golaha fulinta laga sugayo inay ka soo dhalaalaan hawlaha laga sugayo.

Dood, falanqeyn iyo is tusaaleyn dheer kaddib, goluhu waxa uu isla qaatay qodobbadda soo socda:-

1- In Prof. Cabdalla Cumar Mansuur uu noqdo Guddoomiyaha KMG ah ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga.

2- In Avv. Maryan Cariif Qaasin ay noqoto guddoomiye ku xigeenka KMG ah ee AGA.

3- In shirweynaha seddexaad ee Akadeemiye Goboleedka la qabto 25, 26 iyo 27 bisha Juun ee 2023.

4- In xubnaha golaha fulinta ay sidooda sii ahaadaan tan iyo inta laga qabanayo shirweynaha seddexaad ee Akadeemiyada.

Shirkaan ayaa qabsoomay maalin kaddib markii si rasmi ah loo daahfurey xarunta Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga.