Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa kulan aad u ballaaran oo isugu jiray Xus, Xusuus iyo Duco waxa ay u sameeyeen Allaha u naxariisstee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub), kulankaasi oo si weyn looga soo qeyb-galay ayaa 23/6/2019 waxaa uu ka dhacay Xarunta Ex-Fiyoore ee magaalada Muqdisho.

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Md, Xirsi Dhuux Maxamed Wehliye oo ugu horeyntii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa qeexay in kulankaasi uu ahaa mid loogu tala-galay sidii loogu duceyn lahaa Marxuum Maxamuud C/llaahi Sangub, waxaana uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ducadda Marxuumkaasi inay ka soo qeyb-galaan qaar ka mid ah madaxdii ugu sarreysay Qaranka Soomaaliyeed.

Abwaan Xirsi Dhuux oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuuxsaday inuu Sangub ahaa Abwaan miisaan leh oo ka baxay gayiga Soomaaliyeed, waxaana uu xusay inuu ka tagay suugaan dhaxalgal ah, isaga oo dhanka kale u mahad-naqay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo kaalin mug leh ka qaadatay suurtagalinta ducaddaasi.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, Maareeyaha Tiyaatarka Maxamed Abuukar Ma’da, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdi-nuur Shariifka, Madaxa Tababbarada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Al-ustaad Cabdullaahi Shiikh Cabdi Aadan {Gacanka} iyo Abwaan Cabdi Dhuux oo iyaguna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay u duceynayaan Abwaan Sangub, waxayna Alle uga baryeen inuu jannadisa ka waraabiyo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C/llaahi oo soo gunnaanaday kulankaasi ayaa sheegay Abwaanku inuu ahaa wadani taariikh weyn ku leh dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana uu iftiimiyay inuu ahaa hal-abuure ay masakaxdiisu ka buuxdo dareen Qarannimo, isaga oo ugu dambayntii Alle uga baryay inuu jannadiisii ka waraabiyo!

Allaha u naxariistee Abwaan Maxamuud C/llaahi Sangub ayaa dhawaan ku geeriyooday magaalada Addis-ababa ee wadanka Ethiopia, waxaana lagu aasay magaalada Jig-jiga, iyada oo aaskiisa ay ka soo qeyb-galeen Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, wafdi ka socday Dawladda Federaalka Soomaaliya, Abwaanno iyo dadweyne aad u fara badan.