Xaflad aad u ballaaran oo loogu dabaal-dageyay xuska sanad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay dhalashadii golahaas, ayna ka soo qeyb-galeen madax ka tirsan Dawladda Federaalka iyo marti sharaf aad u badan ayaa maanta oo ku beegan 19/9/2019 waxaa lagu qabtay Xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee magaalada Muqdisho.
Furitaankii munaasabaddaasi ayaa hadal ay halkaasi ka soo jeediyeen Guddoomiyaha Golaha Abwaannada iyo Guddoomiyaha Geed-fadhiga Golahaas Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed iyo Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf waxa ay ku dheeraadeen ka sheekeynta heerarkii kala duwanaa oo uu soo maray Golahaas, waxayna tilmaameen inay Golahooda ka go’an tahay sidii ay ugu qeyb qaadan lahayeen Nabadeynta, Dib u heshiisinta iyo Wacyigalinta ummaddooda.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dhaxla oo iyaguna ka hadlay xafladdaasi ayaa sheegay inay Golaha Abwaannada ugu hambalyeeynayaan Xuska Maalinta Abwaanka Soomaaliyeed oo ku astaysan 19-September, waxayna Golahaas ku bogaadiyeen sida uu mar walba ugu heelan yahay Wacyi galinta bulshadiisa, iyaga oo kula dar-daarmay inay sii laba jibaaraan baraarujinta dadka Soomaaliyeed
Madaxdaasi ka hor waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Tababbarada ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Al-ustaad Cabdullaahi Shiikh Cabdi {Gacanka} oo sheegay inuu ku tahniyadeynayo Golaha Abwaannada xuska maalinta dhalashadooda, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu Golahaas u soo gudbinayo salaan iyo hambalyo uu uga sido Guddoomiyaha Akadeemiyada AGA Prof. Maxamed Daahir Afrax, isaga oo Golahaas u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku garaan horumar iyo wanaag.
Xubno ka mid ah Abwaanadda iyo Fannaaniinta Golaha ayaa xafladdaasi ku soo bandhiggay suugaan ay uga qeyb-qaadanyeen xuskaasi, waxaana gaba-gabadii munaasabaddaasi lagu bixiyay Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed iyo masuulyiin ka socday ururada la shaqeeya iyo kuwa ay bah-wadaagta yihiin Golahaas.
Xafladdo kale oo lagu xusayay maalinta Abwaanka Soomalaiyeed ayaa maanta siyaabo kala gooni-gooni ah uga kala dhacay magaalooyin ka mid ah Gobollada Soomaaliya, sannad walba marka la gaaro maanta oo kale ayaa Golaha Abwaannada waxa uu dabaal degaa xuska aas-aaskii Golahaas.














