Xaafaddaydu waa qaraabadaha ka dambeeya xeebta Curubo. Ma lehi hoy aan ka ahayn dhul waayay dadkii lehaa. Guryo rasaas la la dhacay oo bambaanooyin lagu burburiyay ayaan gidaarradooda ku hoos gam’aa. Ma aqaan dhul kale—saa dhaayo aan leeyahay meel aan aqalkan baaba’san ahayn ka ma ay hoos toosin e. Haddii reerihii lehaa ay berri salaadda Subax ku soo jarmaadaan aqalkoodan ay dacayeen waan ka guuraynaa si aan taakalleel lehayn, innagoon garanayn kob Alle iyo kob aan tiigsanno.
Caawa sida muuqata waa habeen kale oo dhafar ah. Waayo, Hooyo weli xaalkeedu isma doorin. Dorraad ayaa shubka barandada qeyb ka mid ah dusha kaga fadhiistay. In ay dhimatay baan moodaynay, ka dib markii uu wada daboolay, ka dib markii aan ka qaadi kari weynay dhagixii ku habsaday. Deriska oo na caawiyay ayaa dawooyin yaryar oo kaalmaati ah u keenay. Xalay iyo caawa waa sakaraad. Maya e waa xaraarug oo naftaa ku dabo yar.
Waa la dhimanayaa oo taasi dood buuran ka ma ooggana se in ay duruuf noocan oo kale ah ku dhimato waa gef weyn oo ay naga galayso iyo gabbal noo dumay. Awal buu gabbalku noo dumaye, waa gudcur maararruugle iyo meel aan miciin lehayn.
Galabta ayay in yar soo roonaatay. Jeenankii bay dirqi ku qaadatay. Dadkii soo booqanayay salaan-ka-raddintooda ayay ku filnaatay se Maqribkii looga ma horrayn. Aasmadoobaadkii watay habeenka madow waxa kale oo malaha ku lammaanaa malaggii Hooyo nafta dhaafin lehaa.
Hooyaday way wardi badnayd oo afgaabnayd ee tolow ma ku Janno tagaysaa! Ma hubo. Ma ogi sida ay naftu u weydaaran doonto ee Allow ha ku dhibin.
“Maalaa’igta Rabbi ha ku la jirto” ayay islaan ka mid ah kuwayowgii Hooyo soo bariidiyay, saakay, kaga jaanrogatay. Kas iyo kasdarro kay ka ahaydba malakul mawdkii ka ma ay reebin. Qushi. Beloy bayr; ama ha bayrine soo bareer!
Afarta koonar ee guriga ayaan biyaha badda oo bacaysan suray. Waa xirsixir. Il dadeed waa nagu gardarro—saa wax naga la cawryaba ma haysanno e. Belaayo idilkeed bay biyaha baddu ka adag yihiin.
Habeenkii ayaa labo u ka la go’ay. Wax ay fiidkii hore soo mudatayba, habeenkii intiisii dambe ee mugdiga badnayd baa isa soo maqiiqday. Ma jecli xilliyadan oo kale in aan soojeed ku qaato se in aan Hooyaday xanuunka la qeybsado ayaa i hursiisay.
Waan lulooday. Baararkii indhahaa isku kay dhegay. Baraadkii aan Hooyo ku la joogay baa xanfarrey la duushay. Waxa aan soo toosay aqal ay baroori barraxatay oo ilmadu gobo’ leedahay.
Durbadiiba waan gartay. Waa baroordiiq lagu sagootinayo ruuxdii sharfanayd ee Hooyaday. Waa iska dhaqan in la ooyo si la isu dareensiiyo in noloshu gaaban tahay oo aan la ogayn xilliga ay dabargo’ayso. “Qofkii tiisa gashaa dhinta” ayaa la isugu tacsiyeeyay, iyada oo la isaga digayo geerida oo aan ogeysiis lehayn.
Xirribbo ay tintu ka rifan tahay ayay ilin kululi soo dhaaftay. Ha dareerto ee daa. Duuf baa sanka labadiisa dul oodda soo goostay. Ma siimin karo. Waayo waa tacsi.
In badan oo baroor hogbanaysa waa dhaanraac. Hoog ha u sugnaado dhammaan dadka baroorta jilaya ee tacsida Hooyaday masrixiyadda ka dhigaya.
Geerida Hooyaday ka dib waxa aan noqday meeris ka soo haray gabay wadajir loo illaaway; xitaa macnihii aan lehaa cidi ma xusuusato.
Go’aan aan xalay guntaday baan fulintiisii ku dhaqaaqay. Duddada qaraabadaha Curubo ayaan u baxay. Waa biyo muuqa sare ka buluug ah, guntana ka cad, dhadhankoodu waa dhanaan aan dhuunta dhaafayn. Halkaas baan goostay in malaggii geeridu igu sugo, si anna uu ruuxdii Hooyaday ii raaciyo.
Jamalka aan ku taagnahay biyaha ka hooseeya ayaan rabaa in aan si aan kediso lehayn ugu ruqbaxo.
Bilaal Qaasin Fiqi “Aar”















