Munaasabad aad u qurux badan oo lagu maamuusayay furitaanka fadhiga wasiirrada & kalfadhiga golaha fulinta ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa 9/2/2026, waxa uu si rasmi ha uga furmay magaalada Muqdisho.
Guddoomiye kuxigeenka Akademiya Goboleedka Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) ayaa ugu horreyntii halkaasi ka soo jeediyay hadal isugu jiray soo dhaweyn, mahadnaq & ujeeddada shirka.
Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Somaaliga Macallin Saciid Saalax oo isna ka hadlay kalfadhigaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay taariikhda Akademiyada & halka ay iminka joogto, wuxuuna iftiimiyay inay Akademiyadu ka go’an tahay fulinta waajibaakeeda ku aaddan noolaynta, hiilka & horumarinta af Soomaaliga, isagoo halkaasi uga mahadnaqay wasiirka Waxbarashada Faarax C/qaadir oo suuragaliyay qabashada fadhiga wasiirrada & kalfahiga golaha fulinta ee maanta ka furmay Muqdisho.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Shiikh C/qaadir oo si ramsi ah u furay kulankaasi ayaa caddeeyay in wasaaradda Waxbarashada ay ka go’an tahay taageerida Akademiyada AGA, wuxuuna soo dhaweeyay qabashada kalfadhiga golaha fulinta ee Akademiya Goboleedka, isagoo ballanqaaday inuu fulin doono go’aannada ka soo baxa kalfadhigaasi.
Wasiirka waxbarashada Jabuuti Dr. Nabiil Maxamed Axmed, wasiir kuxigeenka dhaqanka ee dawlad deegaanka Soomaalida Md, Salaad Dhabbar & Danjire Maxamed Cabdi Afey oo iyaguna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qaybgalkooda fadhiga wasiirrada & kafadhiga golaha fulinta AGA, iyagoo caddeeyay inay dawladahooda ay ku dadaali doonaan taageerada Akademiya Goboleedka oo u xilsaaran horumarinta Af Soomaaliga.
Sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadlay guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta Ismaaciil Cismaan Yuusuf, guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Cismaan Muxyadiin Tahliil (Shaatax) & madax kale, kuwaasi oo guul u rajeeyay fadhiga wasiirrada & kalfadhiga golaha fulinta ee AGA.



















