Duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Md, Yaasiin Cabdi-samad Cumar ayaa ku amray dhammaan goobaha ganacsiga, kuwa  waxbarashada iyo xarumaha kale ee ku yaalo  magaaladaas inay u isticmaalaan xayeysiinta boorarkooda afka hooyo ee  Soomaaliga.

Wareegto ka soo baxday  xafiiska Guddoomiyaha  ayaa lagu faray goobaha kala duwan ee ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kaleba  inay  afka Soomaaliga ku daraan tabbeelayaasha xayeysiinta  ee ku dhagan goobahooda ganacsiga.

“Si looga hor-tago in uu dabar-go’ afkeenna hooyo ee Soomaaliga, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ganacsatada, goobaha waxbarashada iyo cid kasta oo albaab u furan yahay, in afka Soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayaysiinta ee goobtu leedahay, lana siiyo muhiimada koowaad ee cinwaanka goobta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Duqa magaaladaas.

Md, Yaasiin Cabdi-samad ayaa bulshada Degmadaasi u soo jeediyay inay xil iska saaraan illaalinta afkooda hooyo, waxaana uu shacbiga ka dalbadey  inay iska daayaan muhiimada ay siinayaan afafka qalaad.