Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee wadanka Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo ka hadlayay bandhiggii buugaagta ee magaalada Gothenburg ayaa sheegay inuu ugu bishaareynayo ummadda Soomaaliyeed ee dibadda ku dhaqan inay u taagan tahay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga daryeelka iyo hiilka afka hooyo.
“Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) waa xarun aqooneed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed. Waa madal ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto, AfSoomaaligana lagaga hadlo” ayuu yiri Dr. Xuseen Wadaad oo caddeeyay Halkudhegga AGA inuu yahay hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.
Wakiilka AGA ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo fekradaha ay bandhiggaasi ka soo jeediyeen Waalidiinta iyo ka qeyb galayaashii carwadaasi, waxaana uu hoosta ka xariiqay in tallooyinkii halkaasi lagu soo bandhiggay inuu gaarsiin doono Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Dr. Maxmaed Daahir Afrax.
Bandhiggii buugaagta ee dhawaan lagu soo gunnaanaday magaalada Gothenburg ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay baraarujin ku aadan sidii la isaga kaashan lahaa daryeelka, illaalinta iyo hiilka afka hooyo.














