Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa Afartan xubnood oo ka tirsan Naadiga akhriska iyo qoraalka ee Hillin-hayaan waxa ay tababbar ku saabsan Qoraal-Curinta Toolmoon  ugu soo gaba-gabaysay Hotel Royal  Palace ee magaalada Muqdisho

Tababbarkaas oo  socday muddo laba maalin ah ayaa macallimiin waxaa ka ahaa ruug caddayaal ka mid ah Akadeemiyada Aga, waxaana  dhallinyarada halkaas lagu barayay casharo ay ka mid ahaayeen Astaamaynta Qoraalka, Adeegsiga Ereyada, Jaadadka Qoraalka, Rukunada Qoraal Qurxinta, Silsilada Gorfaynta, Fanka sheeko curinta iyo casharo kale oo aad u xiiso badan.

Madaxa Waaxda Tababbarada ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Md, C/llaahi Shiikh Cabdi (Gacanka) oo ka hadlayay xiritaankii tababbarkaas ayaa sheegay bahda Hillin-hayaan inay tahay  Dufcaddii labaad ee lagu tababbaro Qoraal-Curinta Toolmoon, waxaana uu caddeeyay inay Akadeemiyadu  tababbarada noocaan oo kale ah ay  halkiisa ka sii ambaqaadi doonto, isagoo dhallinyaradaas ku guubaabiyay  aqoontii la siiyay inay ku dabaqaan hawlahooda la xiriira dhanka qoraalka.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii uu tababbarkaasi u soo xermay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin tababbarkaasi la siiyay, waxaana ay hoosta ka xariiqeen inay Aga uga mahad-celinayaan tababbarkaas ay ugu deeqday,  iyagoo codsadey ina la joogteeyo tababbarada ceynkaan oo kale ah.

Dhallinyarada naadiga Hillin-hayaan ee tababbarka u soo dhamaadey ayaa noqonaya Dufcaddii labaad ee lagu tababbaro Qoraal-Curinta Toolmoon, horey waxaa tababbarkaan uga faa’iideystay  dhallinyarada Naadiga akhriska iyo qoraalka ee Banaadir,  waxaana la filayaa in dhawaan tababbarkaas loo qabto Dufcaddii Seddexaad ee loogu tala-galay in la gaarsiiyo.