Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku guulaysatay dhismaha xarunta Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa 29/12/2022, waxa ay deeq buugaag ah soo gaarsiisay maktabadda Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga.

Guddoomiyaha jaamacadda Jabuuti Dr. Jaamac Maxamed Xasan oo wakiil ka ahaa dawladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee reer Jabuuti ayaa deeqdaasi qiimaha badan soo gaarsiiyay xarunta dhexe ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha KMG ah ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo deeqdaasi ka gudddoomay guddoomiyaha jaamacadda Jabuuti ayaa soo dhaweeyay deeqdaasi ay dawladda Jabuuti ugu talagashay maktabadda AGA, isaga oo halkaasi uga mahadnaqay Madaxweynaha Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle oo mar walba si hagar la’aan ah u garab taagan horumarinta afka Soomaaliga, dhaqanka, hal-abuurka iyo aqoon faafinta.

Munaasabaddii guddoonka deeqdaasi waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Jabuuti iyo Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga.