Dawladda Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay guud ahaan shucuubta  caalamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed  ay ugu hambalyeynayso xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo ee  loo asteeyay in sannad walba la xuso 21-ka Febraayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md, Xasan Cali Kheyre oo ku hadlayay magaca Dawladda Federaalka  ayaa Bartiisa  Bulshada soo dhigay inuu shacbiga Soomaaliyeed uu u dirayo hambalyo ku aadan 21-ka Febraayo oo ah maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, waxaana uu qoraalkiisa ku caddeeyay inuu uga  mahadnaqayo Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Akadeemaiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suuganta doorka muuqda oo ay kaga jiraan nooleynta Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  AGA ayaa sannad walba hormuud ka ah xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, xuskaasi ayaa mar kasta oo la gaaro 21-ka Febraayo waxa uu  si isku mid ah uga dhacaa guud ahaan gayiga ay Soomaalida degto iyo Magaalooyinka kale oo ay caalamka kaga nooshahay.