Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo gacan ka helaysa jaalliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Ingiriiska ayaa  23-Febraayo 2109 waxa ay xaflad lagu maamuusayay xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo ay ku qabatay xarunta Anti Traibalism Movement ee  magaalada London.

Munaasabaddii xafladdaas oo si wanaagsan loo soo abaabulay ayaa waxaa ka soo  qayb-galay madaxda Aga ee dalka Ingiriiska, aqoonyahanno, xubno ka tirsan fannaaniintii  Hobollad Waaberi, maamulka Kalsan TV, wakiilo ka socday jaalliyadda Soomaalida ee UK iyo marti-sharaf kale.

Masuuliyiintii ka soo qeyb-gashay xafladdaas ayaa halkaas ka soo jeediyay Mowduucyo ay ka mid ahaayeen:-

1-Da’ yarta iyo afkeenna hooyo, waxaa soo jeedisay Seynab Sharci

2-Qaladaadka Warbaahinta ee adeggsiga  afka hooyo, waxaana soo jeedisay Aamina Muuse Wehliye.

3-Dib u soo noolaynta hal-abuurkii suugaanta, waxaa soo jeedisay Faaduma Shax-Shaxleey

4-Sign Language iyo dadka dhegaha la’a, waxaa soo jeedisay Fowsiya

5-War-sidaha Kobciye ee Bristol, waxaa soo jeediyay Ibraahim.

Qaar ka mid ahaa marti sharaftii xafladdaas lagu casuumay ayaa munaasabaddaas ka soo jeediyay weydiimo la xiriira howlaha AGA, waxaana su’aalahaas si fiican uga jawaabay wakiilada iyo xubnaha Akadeemiyada  ee wadanka Ingiriiska ee ku sugnaa munaasabaddaas.

Gaba-gabadii xafladdaas waxaa ka hadlay Al-ustaad C/qaadir Ruumi oo ka mid ahaa qaban-qaabiyaashii munaasabaddaas, waxaana uu bulshada ku guubaabiyay in Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga gacan lagu siiyo gudashada waajibkeeda ku aadan daryeelka, illaalinta iyo hiilka afka Soomaaaliga iyo hal-abuurkiisa.

Munaasabaddii xafladdaas ee  ka dhacday wadanka UK ayaa qeyb waxa ay ka aheyd xusas ballaaran oo ay Akadeemiye-Goboleedka ku kala qabanaysay daafyaha caalamka, kuwaasi oo loogu tala-galay  weyneynta maalinta caalamiga ah ee afka hooyo.