Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay, looguna tala-galay daahfurka buugga Fan iyo Fannaan, ayna ka soo qeyb-galeen  Wasiirro, Xildhibaanno, aqoonyahanno, qorayaal, boqollaal maskax-maal iyo marti sharaf aad u fara badan ayaa habeenkii xalay oo ku beegneyd 7/7/2022, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Bandhiggaasi oo si ballaaran looga soo qeyb-galay ayaa ugu horeyntii waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay qoraaga buugga Fan iyo Fannaan Al-ustaad Cumar Seerbiya oo faah-faahin dheer ka bixiyay sooyaalka buuggiisa, isaga oo  si guud uga sheekeeyay taarikhda fanka Soomaalida ee uu buugga Fan iyo Fannaan ka hadlayo.

Fan iyo Fannaan waa laba kalmadood oo isla xiriira, laakiin aad u kala fog macne-ahaan, iyada oo aynu og-nahay in luqaduhu mararka qaar ay kala daynsadaan xarfaha, sidaas darteed Fan iyo Fannaan waa laba erey oo macno ahaan u dhigma Art iyo Artist” ayuu yiri Cumar Seerbiya.

Qoraaga buugga ka sakow, waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Wasiirkii hore Amniga dawladda Federaalka Md, Xasan Xundubey Jimcaale, Xildhibaan Maxamad Soomaali, Xildhibaan hore Axmed Macallin Fiqi, abwaan Barre Maxamed Fiidow iyo masuulyiin kale, kuwaasi oo si wadajir ah u bogaadiyey qoraaga buugga fan iyo fannaan, iyaga oo dhanka kalana qoraaga ku dhiirigaliyey in uu halkiisa ka sii wado dadaalkiis ku aadan dhanka qoraalka.

Cumar Seerbiya waa aqoonyahan ku caan baxay dhanka fanka, waxaana ku ammaanaynaa in uu soo koobay taariikh muhiim ah, xaqiiqdii waxa uu istaahila Billad sharaf” ayay yiraahdeen madaxdii halkaasi ka hadashay.

Munaasbaddaasi ayaa waxa ay ku soo dhammaatay jawi aad u xiisa badan iyo saxiixa qoraagu oo uu buuggiisa u saxiixay dad fara badan oo iibsaday iyo qaar uu hadiyad-ahaanu siiyey.

Horey ayaa buugga Fan iyo Fannaan loogu soo bandhigay magaalada Hargaysa ee Somaliland.