Xuskii toddobaadka afka hooyo ee ka socday wadanka Jabuuti ayaa habeenkii ay taariikhdu aheyd 27/2/2021, waxaa si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyay magaalada Jabuuti.

Munaasabaddii loogu tala-galay xiritaanka toddobaadkaas waxaa ka soo qeyb-galay madax ka socotay Wasaaradda Dhaqanka dalka Jabuuti, mas’uuliyiin matalaysay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Somali Pen, RTD, ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

Kooxaha fanka ee dalka Jabuuti ayaa munaasabaddaasi ku soo bandhiggay suugaan iyo cayaarro kala duwan, kuwaasi oo aad loo jecleystay.

Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee wadanka Jabuuti Dr. Nimcaan Cabdillaahi Qawrax oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb-gashay daawashada cayaarro dhaqameedkaas ayaa sheegay qabashada cayaarahaasi in ay qeyb ka ahaayeen xuska toddobaadkii afka hooyo, waxaana uu halkaasi uga mahad-naqay kooxihii soo bandhiggay cayaarahaasi qiimaha badan.

Xuska maalinta afka hooyo oo sannad walba la xuso 21 Febraayo ayaa sannadkan waxa uu si ballaaran uga dhacay magaalooyinka Geeska Afrika iyo magaalooyin kale oo ku kala yaallo Yurub iyo America oo ay ku nool yihiin Soomaalida qurbaha ku dhaqan.