Carwadii 8-aad ee bandhigga buugaagta Muqdisho oo socotay, intii u dhaxaysay 7/8/11/2024, ayaa galabnimadii Jimacaha aheyd, waxaa lagu soo gabaggabeeyay caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Carwadaasi oo ay ka soo qaybgaleen madax kala duwan, aqoonyahanno, qorayaal, maskaxmaal iyo dadweyne aad u badan, ayaa labadii maalmood oo ay socotay, waxaa lagu soo bandhigay buugaag aad u fara badan iyo fadhi cilmiyeedyo looga hadlayay mowduucyo kala duwan.
Maamulaha guud ee carwadaasi Maxamed Diini oo gunaanadkii carwadaasi ka hadlayay, ayaa sheegay hadafka ugu weyn ee carwadaasi loo qabto inay tahay sidii loo kobcin lahaa akhriska iyo qoraalka, sidoo kalana loo fududeyn lahaa helida buugaagta iyo goobaha wax akhriska, isagoo dhanka kalana u mahadnaqay walaal walba ee ka soo qaybgalay carwadaasi.
Buugaagta lagu soo bandhigay carwadaasi ayaa 90%, waxay ahaayeen buugaag lagu qoray af Soomaali, halka inta kalana ay ahaayenn buugaag laga qoray arrimaha Soomaaliya, balse lagu qorey luuqaddo kale.















